Guddiga ku-meel gaarka ah ee sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xubnaha guddiga KMG ah  ayaa dib u eegis ku sameynaya sharciga doorashooyinka oo ay horey u soo ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Sidoo kale Xubnaha Aqalka Sare ayaa akhrintii koobaad marsiiyay sharciga doorashooyinka Qaranka, waxaana Xildhibaannada Golaha Shacabka ay horey wax ka bedel ugu sameeyeen Sharcigaas.
Xarunta Aqalka Sare ayaa waxaa maanta lagu qabtay kulanka guddiga ku-meel gaarka ah kaasoo  ka Baaraandegayay hindise sharciyeedka doorashooyinka Qaranka.
Facebook Comments