Wasaaradda Waxbarashada ee dalka ayaa kordhisay muddada loo qabtay  ardayda sannadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka si ay ugu biiraan dugsiyada sare.

Wasaarada ayaa daboolka ka qaaday in ardayda sannadkii hore dhameeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka ay haystaan ilaa iyo 24-ka bishan si ay ugu biiraan dugsiyada sare.

Wasaarada Waxbarashada oo markii  horay u  qabtay illaa 17-kii bishan Janaayo in ay ardayda isku diiwana geliyaan taasoo  ku ekeyd  Jimcihii ayaa  maalmo dheeraad ku dartay.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Wasaaradda waxbarashada  dalka Dr. Belio Kipsang ayaa lagu shaaciyay muddo kordhinta, taasoo ay ujeedadu tahay in ay ardayda helan fursad ay siku diiwaan geliyaan.

Dowladda dhexe ayaa dadaal ugu jirta in si buuxda loo dhaqan-geliyo qorshaha la xiriira in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ay boqolkiiba boqol u sii gudbaan dugsiyada sare ee dalka.

Facebook Comments