Madaxweyne dalka Uhuru Kenyatta ayaa kula dardaarmay ciidamada amniga in xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay shirka sanadlaha ee dib u eegista ammaanka dalka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Mombasa.

Madaxweyne Kenyatta ayaa ammaan u jeediyay ciidamada amniga,  isagoo sheegay inay waajib tahay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Uhuru ayaa qiray in argagixisada ay tahay dhibaatada ugu daran ee nabadgelyo xumo, wuxuuna bogaadiyay dadaallada ay  Saraakiisha ku doonayaan inay kaga hortagaan weerarada qorsheysan.

“Kuwa toos ula dagaalamay Al-Shabaab, waxay sameeyeen wax uu Qaranku ku faano” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca dalka Uhuru Kenyatta ayaa ku booriyay Saraakiisha inay soo xiraan maal-galiyaasha iyo kuwa carbiya Kooxda Al Shabaab.

Kulankan looga hadlayay amniga dalka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan weerarada Al Shabaab ay ka geysaneyso Kenya.

Saddex Macallin ayaa lagu dilay Toddobaadkii hore gobolka Waqooyi Bari iyadoo looga shakisan yahay weerarkaas inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.

Facebook Comments