Xildhibaan Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa ku guuleystay tartanka doorashada gudoomiyaha baarlamanka Galmduug oo maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Waxaa maanta oo Jimce ah lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka 2aad ee maamulka Galmudug oo ay ku tartameen laba musharax.

Doorashada oo aad u kululeyd ayaa waxaa ku tartamay Xildhibaan Dr Maxamed Nuur Gacal & Xildhibaan Cabdi Naasir Aadan Cismaan, iyadoo ka hor uu tartanka isaga haray Cabdullaahi Axmed Calasow oo ka mid ahaa musharixinta guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug.

Guddiga KMG ah ee doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyey in Dr Maxamed Nuur Gacal uu helay 54 cod, halka Cabdi Naasir Aadan Cismaan uu helay 34 Cod, hal cod ayaa halaabey, waxaana codeeyey 89 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug.

Daqiiqadaha soo socda ayaa waxaa la guda geli doonaa doorashada guddoomiye ku-xigeenada 1aad iyo labaad ee dowlad goboleedka Galmudug oo ay ku tartami doonana min laba musharax.

Facebook Comments