Burcad hubaysan ayaa seddex qof ku dhaawacay deegaanka Kahuro habeenkii xalay.

Burcada ayaa looga shakisan yahay inay adeegsanayeen bistoolad ay ka dhaceen booliiska Taraafikada.

Seddex-da qof ee la dhaawacay ayaa ahaa kalkaaliyaal caafimaad.

Dhibbanayaasha ayaa loo qaaday Isbitaalka degmada Muranga maadaama booliska ay baadi goob ugu jiraan burcada.

Markhaati Edwin Karuri ayaa ka sheekeeyay sida dhibbanaha uu la socday loogu toogtay lugta.

Sidoo kale burcada ayaa  dhac ugu gaystay dukaan ku yaala deegaanka Kahuro xalay abaarihi 8-dii Fiidnimo iyadoo aan la ogeyn inta ay la eg tahay hantida ay ka dhaceen.

Taliyaha boliiska gobolka Murang Josphat Kinyua ayaa sheegay in la baacsan doono burcadda.

Wuxuu sheegay in ciidanka amniga ay macluumaad ka ururinayaan dadka deegaanka oo  gacan ka geysan doona baaritaanka iyo soo qabashada burcada.