Xoghayaha arimaha gudaha Fred Matiang’i ayaa amar ku bixiyay in talaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo gabaad siisa Argagixisada.

Fred Matiang’i ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo burcad kale oo dembiilayaal ah inay dib u soo noolaadeen markii ay arkeen daciifnimada qaab dhismeedka dowladeed ee Soomaaliya,  isagoo intaas raaciyay inay doonayaan dowlad ahaan inay si naxariis darro ah  wax uga qabtaan kooxaha argagixisada ah.

Xoghayaha arimaha gudaha Fred Matiang’i  ayaa sheegay inay ixtiraamayaan sharciga iyo Xaquuqda Aadanaha  balse wuxuu tilmaamay  in markii ay timaado waqtiga nadiifinta in aan la kala sooci doonin cadowga iyo kuwa gabaadka siiya.

Dr. Fred ayaa hadalkan ka jeediyay hoteel ku yaal magaalada Mombasa oo lagu qabtay kulanka  dib u eegista sanadlaha iyo Qorsheynta amniga dalka.

Kulankaas oo socday muddo saddex maalin ah ayaa waxaa ka qayb galay guddoomiyaasha gobollada, Taliyaasha boliiska gobolada, guddoomiyaasha County-yada, Saraakiil sare oo booliis ah, oo ka socota xarunta dhexe iyo Taliyaasha boliiska gobolka.