Shirka Golaha Wasiirada dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayagoo ka wadahadlay amniga, la dagaalanka Ayaxa iyo qoddobo kale.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo Isgaarsiinta ee Puntland Cali Xassan Axmed  ayaa Warbaahinta faah faahin ka siiyay qodobada ugu muhiimsan ee looga hadlay kulankii maanta.

Wasiirka aya sheegay in Kulanka ayaa diirada lagu saaray arrimaha Amniga, La-dagaalanka Ayaxa, Daah-furka ururka xirfadlayaasha caafimaadka, Xuska halgankii daraawiishta iyo soo bandhigidda Istaraatiijiyadda wacyi-gelinta iyo qoddobo kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoominayay kulanka Golaha wasiirada ee Puntland.