Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Xaaji ayaa ayaa sheegay in dowladda dhexe ay dib u soo ceshatay lacag dhan 2 bilyan oo shilin oo u dhiganta 20 milyan oo doolar taasoo horay loo dhacay.

Agaasimaha waaxda Dacwad soo oogida ayaa wareysi uu siiyay BBC-da wuxuu  sheegay in sannadkan gudihiisa la rajeynayo in maxkamadda la soo taago Saraakiil sar sare oo dowladda ka tirsan kuwaasoo musuqmaasuq lagu eedeynayo.

Nuuradiin Xaaji ayaa intaas raaciyay  in marna aan laga daali doonin dacwadaha lagu soo oogo Shakhsiyaadka lunsado hantida dadweynaha.

Wuxuu sheegay  inay dadaal dheeri ah ku bixin doonaan gudashada waajibaadka ay u xilsaaran yihiin,  si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah falalka musuq maasuqa.