Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Somalinland iyo Ingiriiska,  arrimaha amniga Mandiqadda Geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada iyo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa uga mahad celiyay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya wada shaqyenta wanaagsan, isagoo muujiyay sida uu ugu farax san yahay iskaashi ay yeeshaan labada dhinac.

Safiirka Ingiriiska ayaa isna sheegay inay ka dawlad ahaan mar walba diyaar u yihiin wada shaqaynta in la xoojiyo,  lagana wada tashado wixii ku soo kordha Mandiqadda geeska Afrika.