Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda Galmudug waxaa ka bilodey dhageysiga khudbadaha musharaxiinta u tartameysa Guddoonka Baarlamanka Labaad ee maamul goboleedka Galmudug.

Arbacadii shalay ayaa la xiray qabashada Araajida musharaxiinta , waxaana Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood, kuwaas oo maanta guda-galay soo jeedinta khudbadaha musharaxnimo.

Saddex musharax ayaa waxay u taagan yihiin qabashada xilka gudoomiyaha Baarlamaanka kuwaasoo kala ah Xildhibaan Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaan Abdinasir Aadan Cusmaan iyo Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa u taagan Afar Musharax oo ay  ka mid yihiin Faadumo Cabdi Faandhe iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee labaad Maxamed Sheekh Axmed Maalin.

Berrito ayaa lagu wadaa inay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamanka Labaad ee Galmudug, waxaana intaasi kadib loo gudbi doonaa doorashada madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug.

 

Facebook Comments