Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogagaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari halkaas oo lagu soo dhaweeyey.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku suganaa magaalada Boosaaso.

Socdaalka Axmed Madoobe ee magaalada  Boosaaso ayaa waxay la xiriirtaa kulan wadatashi ah oo looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka soo socda oo ay yeelan doonaan madaxweynaha Puntland.

Waa safarkii ugu horeeyey ee Axmed Madoobe uu ku tago Puntland tan iyo markii dib loogu doortay doorashooyinkii muranka ka dhashay ee dhacay sanadkii hore ka dhacay magaalada Kismaayo.

Safarka Axmed Madoobe ee Puntland ayaa qaadan doona muddo 3 cisho ah.

Facebook Comments