Dowlada Mareykanka ayaa  maanta wacad ku martay inay xoojin doonaan  taageeradooda ku aaddan la-dagaallanka argagixisannimada ee wadankan Kenya.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya wadankan kenya ayaa xaqiijiyay inay  ka saari doonnaa Al-shabaab gudaha Kenya.

Danjire Kyle McCarter ayaa mar kale ku celiyay balanqaadkan la xiriira la dagaalanka argagxisiada iyadoo lagu jiro xuska  sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay weerarkii argagixiso ee lagu qaaday  hotel DusitD2 ee magaaladan Nairobi oo ay ku dhinteen 21 qof.

Danjiraha oo ka hadlayay County-ga  Narok, ka dib markii uu si xushmad leh u wacay gudoomiyaha Narok Samuel Tunai, ayaa wuxuu  sheegay in Mareykanku uusan waligiis dib uga laaban doonin dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

“Maadaama ay Kenya xuseyso khasaaraha 21 qof ee lagu dilay hotelka DusitD2, waxaan dooneynaa inaan cadeyno haddaan nahay Mareykanka, waxaa diyaar u nahay la dagaalanka argagixisada oo ah dhibaato Caalami ah, waxaana naga go’an inaan ka saarno wadankan Kenya” ayuu yiri Danjiraha Maraykanka.

Kyle McCarty ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaaday xero ay wadaagaan ciidamada badda ee Mareykanka iyo Kenya oo ku taal deegaanka  Manda ee gobolka Lamu, halkaasoo seddex sarkaal oo Mareykan ah ay ku dileen maleeshiyada Al-Shabaab.