Maanta gabi ahaanba dalka waxaa dib loo furay iskoolada ka dib markii uu bilowday sanad dugsiyeedka cusub ee 2020.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa ku baaqay in waalidiinta ay ku dadaalaan sidii dhamaan ardayda dhameeyay dugsiyada hoose iyo dhexe ay ugu gudbi lahayeen dugsiyada sare.

Wasiirka ayaa intaas ku daray inay qasab tahay in si buuxda loo dhaqan-geliyo qorshaha dowladda ee la xiriira in ardayda KCPE-da sameeyay ay boqolkiiba boqol ku biiraan dugsiyada sare.

Haddaba magaalada Mombasa ayaa ka mid ah dugsiyada ay maanta u dareereen ardayda.

Warbixinta warkan waxaa inoo soo diray Maxamed Cabdi Botaan

Dhageyso