Kumanaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay dhowr fagaaro oo ku yaala magaalada loo dalxiis tago ee Mombosa ee gobolka xeebta ee dalka, kuwasoo u dabaaldegayay munaasabada sanadka cusub ee 2020.

Barasaabka Ismaamul goboleedka Mombasa Cali Xasan Joho ayaa soo qaban qaabiyay mid ka mid ah munaasabadaha loogu dabaaldegayay sanadka cusub ee 2020 taasoo lagu qabtay magaalada Mombasa.

Warbixinta waxaa isku soo duba riday wariyaha Tusmo FM iyo CNA Somali TV

Maxamed Cabdi Bootaan

Warbixinta oo muuqaal ah waxaa ka daawan karta Caawa Warka CNA Somali TV.