Barasaabka Nairobi Mike Sonko ayaa maanta lagu sii daayay 15 Million oo lacag damiin ah iyadoo Maxkamada aysan wax go’aan ah ka gaarin  eedeymaha loo heysto ee musuqmaasuqa.

Waxaa kaloo laga qaaday oo maxkamada la dhigay lacag dhan 30 Milion  oo Shillin.

Qaadiga Maxkamada la dagaalanka Musuqmaasuqa Douglos Ogoti ayaa wuxuu amray in Sonko iyo ragga kale in aysan tagi karin Xafiiska County ga Nairobi.

Barasaabka Nairobi Mike Sonko iyo Eedeysanayaasha ah ayaa waxaa lagu amray in ay maxkamada dhigaan Baaso boorada iyo Dukumentiyada socdaalka.

Sonko ayaa waxaa loogu baaqay inuu xaqiijiyo taageerayaashiisa inay nabada ilaaliyaan.

Toddobo ka mid ah Ragga Eedeysanayaasha  ayaa midkiiba waxaa lagu sii daayay lacag damiin ah 3 Milion  iyo lacag kale oo u dhigma maxkamada laga dhigay.

Sonko iyio Eedeysanayaasha ayaa Maxkamada ay ka mamnuucday in Social Media ay u isticmaalaan kiiska lagu eedeeyay.

Mike Songo ayaa Shan Cisho ku xirnaa Xabsiga, iyadoo lagu eedeeyay musuq maasuq iyo  in uu lunsaday lacag dhan 357 Milion oo Shillin.

www.tusmofm.com