Danjiraha Dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter  oo safar ku yimid magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu si gaar ah ugala hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muranka Badda ee kala dhaxeeya Kenya.

”Waxaan tagay magaalada Muqdisho, Anniga oo madaxweyna Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u sheegay in dacwadda Badda lagu dhameeyo meel ka baxsan Maxkamada” ayuu yiri Danjire Kyle McCarter.

Dowladda Soomaaliya ma aysan sheegin safarkan Danjiraha Mareykanka ee Kenya uu ku yimid magaalada Muqdisho iyo wada hadalka uu sheegay in uu la yeeshay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isaga oo la hadlayay Wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya ee Daily Nation ayuu sheegay in dowladdiisu ka shaqeyn doonto sidii labada madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru leysugu keeni lahaa miiska si ay uga wada hadlaan muranka Badda.

Safiirku dhab ahaa ma uusan shaacin waqtiga uu tagay magaalada Muqdisho, hasse ahaatee waxaa uu wargeyska u sheegay labada dhinacba ku qancin doonaan in wada hadal arintan lagu dhameeyo.

Labo jeer  ayeey maxkamadddu dib u dhigtay dhegysiga kiiskan , waxaana labada jeerba codsatay in dib loo dhigo kiiska, taasoo shaki weyn abuuri karta, iyadoo Kenya wali ku dhagan tahay in arinkan lagu dhameyn karo wada hadal.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo khudbad ka jeediyay shirkii ugu danbeeyay ee Golaha Guud ee Qarramada Midoobey ayaa sheegay in dowladdiisu ku dadaali doonto sidii wada hadal loogu dhameeyn lahaa kiiska, laakiin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla shirkaas ka sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba wada hadal ka gali doonin kiiska Badda ee hor yaala Maxkamada kuna qanci doonaan go’aan kasta oo ay maxkamadu ka gaarto

Laakiin haddana waxaa muuqata in dowladda Soomaaliya ay hadda wajeyso culeys caalami ah oo lagu saarayo in ay ka laabto dacwadda hortaala Maxkamada ICJ, taa badalkeedana ogolaato in wax walba lagu soo afjaro wada hadal.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud oo dhowr maalmood kahor ka hadlay dib u dhigista dacwadda badda ayaa sheegay in dowladda looga fadhiyo in shacabka ay siiso jawaab waafi ah oo ku aadan waxa ku dhacay dhageysiga dacwadda badda oo mar labaad dib loo dhigay isbuuc ka hor.

“Maxaa ku dhacay dacwadii baddeena ee tiilay maxkamada ICJ?  Shacabkeenu waxaa ay xaq u leeyihiin inay ogaadaan sababta dib loogu  dhigey?”ayuu Xasan Sheekh Maxamuud ku daabacay boggiisa Facebook

Waa markii ugu horeysay oo Mareykanku sheego in ay qeyb ka yahay dadaallada la doono in dhameeyo muranka labada dowladdood ee ka dhashay xudduud Baddeedka leysku hayo.

 

Facebook Comments