Saraakiisha Laanta Adeega Dhalinyarada NYS Iyo Ciidamo Roondo Ku Jiray Meel U Dhaw Mama Ngina Waterfront Park Oo Ahayd Halkii Ay Ka Dhaceysay Munaasbaada Maalinta Geesiyaasha Oo Uu Kenyaanka Ku Hogaaminayey Madaxweynaha Dalka Ayaa La Lagu Xiray Laba Qof Oo Looga Shakiyey In Ay Argagiso Ahaayeen.

Xog Laga Soo Xigtay Sirdoonka Dalka, Ayaa Sheegtay In Falkan Ay Ku Lug Lahaayeen Kooxda Xagjiriinta Ah Ee Al-Shabaab Oo Fadhigiisu Yahay Soomaaliya.

“Waxaan Aaminsanahay Eedeysanayaashan In Ay Ka Mid Yihiin Kooxda Shabaab Waxaana Rumeysanahay In Ay Dagaalyahano Ka Howlgaliyeen Gudaha Mombasa Si Ay Weeraaro Argagixiso Uga Geystaan Xarumaha Dowlada Iyo Gudaha Dalkaba” Ayuu Yiri Dickson Indaru Oo Ka Mid Ah Booliska Ka Hor-Taga Argagixisada.

Facebook Comments