madaxda kenyaanka ah ayaa  waxaa lagu dhaliilaya in ay hadalo is burinayo Jeediyaa, waxaana tusaale usoo qaadan doona  madaxda dalka ugu sareysay sida madaxweyne Uhuru Kenyatta, madaxweyne ku-xigeenka dalka William Ruto iyo iyo hogaamiyaha Xisbiga ODM Raila Odinga.

 

madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa markii hore  u ololeynayey in la daadajiyo Nidaamka Dowliga islamarkana La Helo Is-Maamulo Awood Dhaqaale leh, balse wuxuu hada u ololeynayaa in la yareeyo lacagaha maamulada islamarkaana  la xoojiyo Dhaqaalaha Doewlada Dhexe.

“waa inaan raadinaa Hanaan aan ku dhiseyno Dastuurka si aan ku ilaalino Hab Daadajita Dhaqaalaha”

 

Sidoo kale Madaxweyne ku Xigeenka Dalka ayaa horaan Kasoo Hor-Jeeday in wadanku yeesho Ra’iisul wasaare awood leh balse hada wuxuu ku doodayaa in  loo baahan Yahay  Ra’iisul wasaare laakin loo baahayn yahay Madaxweyne ku Xigeen.

“Waxaan u baahanahay Waaxo Dowladeed oo Shaqeynaya oo leh Mucaarad iyo Muxaafad”

 

Dhina kale Hogaamiyaha ODM Raila Odinga ayaa markii hore Taabacsanaa in Nidaam Shacbi ah wax lagu soo dhiso balse hada wuxuu Dalbanayaa in Nidaam Baarlamaan ah Wax Lagu Soo Dhiso.

“waxaan Taageersanahay Wadada uu Fallay Madaxdweynihii Hore ee Dalka  Mwai Kibaki oo ahayd in la Jebiyo Jagooyinka Magac ku yeelka ah ee Nidaamka Dowlada”

 

inta Badan Oraahda aan soo Qaadanay ee  madaxda dalka ugu sar sareeysa ayaa waxay ka jeediyey muunasabadii Dastuurka Badalkiisa Looga Hadlayey  ee Sanadkii 2010 ka dhacay magaalada Naivasha balse Haatan waxaad Mooda In ay siyaasada dalku waji kale Yeelatay.

Facebook Comments