Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta oo ay wehelinayso marwada koobaad ee wadanka Mrs. Margaret Kenyatta ayaa ku sugan wadanka Japan.
Waxay maanta magaalada Tokyo kaga qeyb galayaan caleema saarka boqor lagu magacaabo Naruhito.

Safarka madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinaya marwada 1-aad iyo madax kale taasoo timid kaddib markii ay caasuumaad gaar ah ka heleen ra’iisul wasaaraha dalkaas Japan Shinzo Abe.

170 hoggaamiyaal ah ayaa ka qeyb galaya caleema saarka Boqorka Naruhito ee maanta qabsoomaya dalka japan wuxuuna Caleemo saarkan Noqonaya mid ka mid ah kuwa Dunidda ugu ccasuumaad badan.

Facebook Comments