Waxaa weli qeybaha kala duwan ee deegaanada dalka ka da’aya roobab lixaad leh oo ay daadad ka dhasheen.
Ilaa iyo hadda ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen fatahaadaha awgood.
Meelaha ay dadka ku dhinteen waxaa ka mid ah Elgeyo Marakwet ,Turkana, galbeedka Pokot iyo Busia.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyada dowladda loo jeedinaya ee ku aaddan inay dadaalkeeda laba laabto oo ay gurmad buuxa u fidiso dadka ay dhibaatadu soo gaartay.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa uu sheegay in dowladda ay caawinayso qoysaska ay saameyaan daadadka.

Facebook Comments