Wararka ka imaanaya magaala xeebedka Mombasa ayaa waxay sheegayan in halkaasi lagu xiray xubin katirsan golaha dowlada hoose ee Mombasa.

Ciidamada Booliska ayaa xiray Wakiilka golaha hoose ee Mombasa ku matala ee degaanka Bofu Ahmed Salama kadib markii lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada.

Siyaasiga ayaa lagu qabtay degaanka likoni kadib howlgal balaaran oo ay sameeyeen ciidamada amaanka kuwaasi oo lagu beegsanayay siyaasiin iyo ganacsato lala xiriirinayo daroogada.

Taliyaha Booliska Mombasa Johnston ipara oo xaqiijiyay xariga siyasiga Ahmed Salama ayaa sheegay in laanta dambi barista ay weydiineyso suaalo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

Xariga Ahmed Ahmed ayaa kusoo beegmaya kadib markii wasiirka arimaha gudaha uu wacad ku maray in uu sharciga horkeeno dadka ka dambeeya ganacsiga daroogada ee gobolka xeebta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here