Kumanaan kamid ah shaqaalaha kountiyadda dalka ayaa maanta oo talaado ah ku dhaqaaqay iyagoo ka cabanaya mushaarkooda bishii hore ee July.

Shaqo joojinta ayaa waxay cuuryaamisay adeegyada muhimka ah sida kuwa caafimadka iyadoo uu sii xoogeystay ismarinwaaga kusaabsan wadaagista dhaxliga ee udhaxeeya dowlada dhexe iyo ismaamulada kountiyada.

Shaqo joojinta ayaa saameyn ku yeelatay adeegyada ilaa 20 kounti oo ay kamid yihii Murang’a, Laikipia, Isiolo, Marsabit, Kitui, Meru, Tharaka Nithi, Bungoma iyo Kisumu.

Xogahaya guud ee ururka ay ku mideysan yihiin shaqaalaha kountiyada dalka Roba Duba ayaa sheegay in aysan jirin sabab shaqaalaha mushaarkooda loo siin waayo wuxuuna carabka ku adkeeyay inay dhamaan shaqaalaha kountiyada aysan howlahooda ku laaban doonin inta laga xalinayo

Kountiyada Kirinyaga, Kilifi iyo Busia ayaa ka hortagay shaqo joojinta kadib markii ay balan qaadan bixinta mushaarka shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here