Wararka ka imaanaya degaanka Lamu ayaa waxay sheegayaan in halkasi lagu xiray taliye saldhig Boolis kadib markii uu sii daayay nin lagu soo qabtay 25gram oo daroogada nooca xashiiska iyo Mindi.
Taliyaha Booliska ee Kountiga Lamu Muchagi Kioi oo xariga askarigaasi u xaaqijiyay warbaahinta ayaa sheegay in taliyaha Booliska ee Kizingitini Shadrack Mumo la xiray kadib markii uu sii daayay nin ku eedeysnaa ganacsiga daroogada.
Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan baaritaan xoogan oo lagu ogaanaya qaabka ninkaasi loo sii daayay iyo xiriirka ka dhaxeeya isaga iyo taliyaha la xiray.

Gudoomiyaha Nabadgelyada ee Kountiga Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay digniin adag u diray ciidamada booliska ee xiriirka la leh kooxaha ka ganacsada daroogada.

Facebook Comments