Dowlladda ayaa sheegtah inuu jiro xidhiidh cad oo ka dhexeeya weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Mombasa kaasi oo dad aan waxba galabsan ay si arxandaro ahay ugu dhaceen kooxo danbiilayaal mindiyo ku hubeysan iyo dhaqdhaqaaqa daroogada.

Wasiirka Arimaha Gudaha Fred Matiangi ayaa sheegay in dhacdadii habeenimadii isniinta aheyd ee lagu dhaawacay sedax iyo Toban qof ay calaamad u tahay caqabadaha Baaxada leh ee Gobalka ka jira balse wasiirka ayaa ka digay in burcadu waqtigeedii dhamaaday

Isagoo ka hadlaayay kadib kulan uu la qaatay laamaha amaanka ee gobolka kuwa ismaamulka iyo hogaamiyaasha siyaasada ee maxalliga ah, Dr. Matiangi ayaa balan qaaday in dowlladu ay tirtiri doonto dhamaan shabbakadaha dambiilayaasha.

Wasiirka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in hay’adaha amnigu ay bilaabeen hawlgal dheelitiran oo ay kaga hor tagaan arintan iyagoo bogaadiyay kalsoonida ay ku qabaan in dadaalkoodu miro dhali doono.

Laamaha booliska ayaa horey gacanta ugu soo dhigay 11 kamid ah 13-ka dhalinyarada ah ee looga shakisanyahay inay si toos ah uga qeyb qaateen weerarada, wuxuuna Dr. Matiangi sheegay in saraakiishu ay haatan shabaqa u balaadhsadeen kooxuhu islamarkaana sida ugu dhaqsida badan lagu so qaban doono maskaxda ka danbesay.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii socod lug ah ku maray aagaga Mshomoroni, Concordia, Kadzadani iyo Mwatamba halkaasi oo uu ka furay xarun booliis ah isla markaana uu kulaa hadlay dadka deggan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here