Malayyin lacag ah oo Shillingka Dalka ah ayaa burburtay kadib Markii Dab Xoogan uu qabsaday Hoygga gudoomiyaha nabadgeylyada ee ismaamulka Homa Bay Harma Shambi oo ku yaala magaalada Homa Bay .

Dabkaan oo aan la ogeyn ilaa iyo hada sababta ka danbeysay ayaa markii hore kakacay mid kamid ah qolalka guriga .
Saraakiisha Amaanka ayaa sheegay in markii uu dabku kacaayay ay guriga ku sugnaayeen qoyska iyo caruurta gudoomiyaha nabadgelyada Homa Bay . Mr Shambi Ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin qasaare ka dhashay dabkan balse uu burburiyay dhamaan hantidii taalay guriga.
Dhanka kale laamaha amniga Homa Bay ayaa guda galay baadhitaanada la xidhiidha sababta ka danbeysay in Guriga Harma Shambi uu dab qabsado

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here