Wasaarada waxbarashada Dalka ayaa dib u dhigtay xiligi furitaanka Skoolada si fursad loo siiyo tirakoobka qaran oo ku beegan 24ka iyo 25ka isla bishan August. Skoolada waxaa la furaya 2-da bisha September
Wasaaradda waxbarashada waxay horay u dejisay 26ka Agoosto inay tahay taariikhda furitaanka skoolada.
Xoghayaha wasaarada Waxbarashada Belio Kipsang oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in waaxda Qaranka ee Tirakoobka ay codsatay in la yareeyo dhaqaaqa dadweynaha si ay uhelaan tirada ugu badan ee dadka la tirakoobaya.
Belio Kipsang ayaa wuxuu kaloo sii raaciyay in isbeddelada taariikhaha ay sare u qaadi doonaan tayada xogta maadaama dhamaan ardeyda ay guryahooda joogaan.
Waaxda Tirakoobka qaranka ee KNBS ayaa markii ugu horeysay qaban doonta tirakoob elektaroonik ah oo guud ahaan wadanka laga sameyn doono waxaana ku baxaysa aduun lacageed oo gaaraysa 18 bilyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here