Wasiiirka Waxbarashada Prof George Magoha ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadi doono masuuliyiinta wasaarada waxbarashada ee ku lugta leh musuqmaasuqa .

Profesa George Magoha ayaa sheegay inuusan marna oggolaan doonin qofna inuu si xun u maareeyo lacagaha waxbarashada wuxuuna tilmaamay inuu dhamaan sarakiisha waxbarashada ugu yeeray inay kaalin firfircoon ka qaataan la-dagaallanka musuqmaasuqa ee wasaaradda.

Isagoo ka hadlayay shirweynaha bulshada rayidka ah ee dib-u-habeeynta waxbarashada qaranka ,Profesa Magoha wuxuu ugu baaqay dadka ku howlan arimaha waxbarashada inay ka foojinaadaan musuqmaasuqa iyo ku takrifalka lacagaha dadweynaha .

Facebook Comments