Wararka ka imaanaya tuulada Kwa Mwaura oo ka tirsan degaanka Bariga Laikipia ayaa waxay sheegayan inuu halkaasi isku dilay nin 65 jir ah, oo la sheegay inuu qabo cudurka kansarka.
Taliyaha Booliska ee degaanka Laikipia Maxwell Nyaema ayaa sheegay in ninka oo lagu magacaabo Tabathia Mugambi uu isku deldelay gurigiisa kadib markii loo sheegay inuu qabo cudurka kansarka.
Taliyaha ayaa sheegay in ninka dhintay uu ka tagay warqad dardaaran ah islamarkaasina uu ku sheegay in arinkaasi ay isaga kasoo go’oday ,xaskiisana wax shaqo ah ku lahayn.

Guud ahaan dalka ayaa waxaa sanadihii dambe kusoo badanayay dhimashada la xiriirta cudurka kansarka.

Facebook Comments