Dowlada ayaa waxay tilaabo adag ka qaadi doontaa shaqsiyaadka abaabulaya kooxaha burcad ah si ay ugu fuliyaan danahooda gaarka ah.
Wasiirka arimaha gudaha ee dalka Dr Fred Matiang’i ayaa sheegay in dowlada ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta shacabka islamarkaasina ay sharciga la tiigsan doonto kuwa ka dambeeya dhalinyarada burcada ah.

Wasiirka oo ka hadlaayay degaanka Nyeri ayaa sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerar ay dhawaan koox burcad ah ku qaadan xaafado katirsan magaalada Mombasa.

Dr Fred matiangi ayaa sheegay in kooxaha burcada ee la mamnuucay aysan ku koobneyd oo kaliya degaanada Bartamaha dalka wuxuuna ugu baaqay jiifafka iyo kuxigeenadooda inay la socdaan kooxaha dhiibateynaya shacabka ,macluumaadna ugudbiyaan heyadaha amaanka.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay jiraan falal amniga ka dhan ah oo ay geystaaan dhalinyaro abaabulan oo ay siyaasiin ka dambeeyaan.

Facebook Comments