Hillary Barchok oo ahaa kuxigeenkii gavanaha kountiga Bomet ayaa loo dhaariyay inuu noqdo gavanihii seddexaad ee kountiga uu yeesho kountigaasi.
Xaflada dhaarinta Gavana Hillary Barchok oo lagu qabtay Fagaaraha Green stadium ayaa waxaa kasoo qayb galay kumanaan shacab ah.
Kursiga gavanaha ee Kountigaasi ayaa waxaa uu banaanaaday kadib markii 29kii bishii hore ay xanuunka kansarka u dhimatay Dr Joyce laboso ,
Gavanaha cusub Hillary Barchok ayaa waxaa horyaala howlo badan oo ay kamid yihiin magacaabida kuxigeenkiisa iyadoo uu jiro baaq xoogan oo ku aadan inuu kuxigeenkiisa haweeney u magacaabo.

Facebook Comments