Maxkamada Sare ee Dalka ayaa markale ku amartay Gavanaha Kiambu Ferdinand Waititu inuusan tagin xafiiskiisa inta kiiskiisa goaan laga gaarayo.

Xaakinka maxkamada sare Ngenye macharia oo amarkan bixiyay ayaa u sheegay Waititu sida ugu dhaqsiyaha badan alaabtiisa ka qaato xafiiska gavanaha islamarkaasina uu ku wareejiyo kuxigeenkiisa.

Ferdinand Waititu ,Xaaskiisa iyo 8 Kamid ah shaqaalaha Kountiga Kiambu ayaa wajahaya dacwad la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdabamarin.Maxkamada Kahortaga musuqmaasuqa ayaa horaan Ferdinand Waititu kusii deysay damaanad lacageed oo gaaraysa 15milyan Kuna amartay inuusan Faraha la gelin howlaha Kountiga.

Facebook Comments