Hogaamiyaha xisbiga Mucaaradka ee ODM ayaa cambaareeyay safar ay qaar kamid xildhibaanada iyo senator-da dalka ku tagayan maraykanka.

Safarkan ayaa waxaa la filaya inay ku baxdo Malayiin lacag ah taasi oo loogu tala galay safarka xildhibaano gaaraya 85 iyo shaqaalahooda.

Raila Odinga oo war qoraal ah soo saaray ayaa waxaa uu suaal ka keenay ujeedka safarkaasi oo ah tiradii ugu badneyd oo xildhibaano halmar shir caalami ah ka qaybgala.
Raila aya ugu baaqay xildhibaanada inaysan awoodooda si qaldan u isticmaalin

Qaar kamid ah Xildhibaanada dalka aya Kulanka Sharci dejiyayaasha uga qayb galaya Magaalada Nashville ,Gobolka Tennessee ee dalka maraykanka.

Goaanka xildhibaanada ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowlada uu hogaamiyo madaxweyne Uhuru ay balan qaaday in la yareyn safarada madaxda ee aan muhimka ahayn

Facebook Comments