Wararka ka imaanaya magaalada Mombasa ayaa waxay sheegayan in ciidamada booliska ay Xaafada Mtopanga ku toogteen mid kamid kooxdii dhawaan weerar xaafada Bamburi.

Booliska ayaa sheegay in ninka la toogtay uu ahaa xun katirsan kooxda burcada ah ee wakali kwanza.

Taliyaha Booliska Kisauni Julius Kiragu oo arintani xaqiijiyay ayaa waxaa uu sheegay inay ninkaasi ka heeleen telefoonka gacanta oo laga soo dhacay dadka degaanka.

Kadib weerarkii maalinti isniinta ay kooxda wakali kwanza ku qaadan xaafado katirsan magaalada Mombasa, Ciidamada amaanka ayaa xoojiyay howlagalada ay ku ugaarsanayaan xubnaha kooxda.

Facebook Comments