Barlamaanka dalkani Kenya ayaa waxaa looga hadlay muranka Badda ee dhaxeeya dowladaha kenya iyo Somalia.
Mooshin la horkeeyay aqalka barlamaanka Dalka ayaa waxaa looga hadlay khilaafka kusaabsan xuduudbadeedka iyadoona lasoo jeediyay waxyaabo baden.
Mooshinkani oo ay Barlamaanka usoo gudbiyeen hogaamiyaha aqlabiyadda mudane Aadan barre ducaale iyo hogaamiyaha Kuwa laga tira badan yahay John mbadi ayaa waxaa lagu qeexay in Kenya ay sameyso talaabo kasta oo macquul ah si ay u difaacato soodhinta badda ee Somalia sheegatay.

Mooshinka ayaa sidoo kale lagu soo jeediyay in arinta lagu xaliyo hab kasta oo sharciga waafaqsan oo ay kamid tahay wadahal iyo heeshiis ay garwadeen ka yihiin Midowga Africa, IGAD iyo Ururka wadamada Bariga Africa ee EAC.

Duale iyo Mbadi ayaa mooshinka kusoo jeediyay in hadii arinta xal laga gaari waayo ay Kenya adeegsan awood militari islamarkaasina ay ciidamo u daabuli doonto xuduuda lagu muransan yahay.

Mooshinkani ayaa waxaa uu kusoo beegmaya iyadoo bisha September la filayo dhagaysiga dacwad badda ee ay Somalia u gudbisay maxkamada caalamiga ee Cadaalada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here