Ururka ay ku mideysan yihiin macalimiinta dalka ee magacooda loo soo gaabiyo KNUT ayaa waxay ku hanjabeen inay shaqo joojin dalka oo dhan ah ku dhaqaaqi doonaan kadib markii dhawaan gudiga adeega macaalimiinta dalka ay mushaarka ka jareen macaalimiinta,darajooyinkooda shaqadana hoos u dhigeen.
Xogahaya guud ee ururka KNUT Wilson Sossion oo magaalada Nairobi kula hadlaayay warbaahinta aya si xoogan u cambaareeyay goaanka gudiga adeega macalimiinta wuxuuna sheegay inaysan macaaliiminta dib ugu laaban doonin fasalada hadii xaalku isbadalin.
Xogahaya ayaa ugu baaqay wasiirka waxbarashada dalka Prof George Magoha inuu si degdeg ah xaaladaasi usoo farageliyo inta aysan macalmiinta hakin shaqooyinkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here