Madaxweyne kuxigeenka Dalka William Ruto aya ugu baaqay xubnaha xisbiga talada haya ee Jubilee inay joojiyaan khilaafka oo ay ku dadaalaan horumarka xisbiga.
Madaxweyne kuxigeenka oo ka hadlayay degaanka muranga ayaa ugu baaqay dhamaan kooxaha Iska soo horjeeda ee Tangatanga iyo Kieleweke inay midoobaan islamarkaasina taageeraan mashaaricda horumarineed ee uu wado Madaxweynaha Dalka Uhuru kenyatta.
William Ruto aya dhankiisa Sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii loo meelmarin lahaa ajeendaha siyaasadeed ee xisbiga Jubilee, wuxuuna carabka ku adkeeyay in uu si buuxda u garab Istaagi doono qorshaha horumarineed ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Uhuru.
Hadalka Madaxweyne kuxigeenka dalka ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu sii xoogeysanaya khilaafka u dhaxeeya xubnaha xisbiga talada haya ee Jubilee Kuwaasi oo kala taabacsan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here