Wararka ka imaanaya degaanka Migori ayaa waxay sheegayaan in degankaasi ay ka dhacday dhacdo cajiib ah kadib markii haweeney ay sumeysay islamarkaasina dishay gabar ay dhashay.
Haweeyneydan oo da,adeeda lagu Sheegay 30 jir laguna magacaabo Faith Akinyi ayaa waxay gabar ay dhashay oo 3jir ah ku dishay talada Suna Raha oo katirsan Galbeedka Suna ee kountiga Migori.
Taliyaha Booliska Migori Mr Joseph Nthenge oo arintan xaqiijiyay ayaa waxaa uu sheegay inay gacanta ku dhigeen haweyneydaasi oo iskudayday iyadana inay isdisho.
Booliska ayaa guriga haweyneyda geysatay dilkaasi foosha xun ka helay warqad dardaaran ah oo lagu eedeyanaya aabaha dhalay gabadha inuu dayacay qoyskaaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here