Dagaal dhanka Ganacsiga ee u dhexeeya Dalalka mareykanka iyo Shiinaha aya u muuqday mid marba marka ka dambeysa waji hor leh yeelanaya.

Dowlada Mareykanka ayaa markale ku dartay qiimaha canshuurtalaga qaado  Badeecadaha Dalka Shiinaha, waxaana tani ay keentay in Shiinaha aysan ku qancin islamarkaana aysan soo dhaweyn.

Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in dhaqdhaqaaqa ay  sameynasyo Dowladda Mareykanka eek u aadan sare u qaadidda canshuuraha ay ka dhalan karto cawaaqib xumo sida uu sheegay afhayeen u hadlay.

Mar dhaxdaa ah ayay ayay aheyd markiu uu mareykanka sheegay in uu sare u qaaday qiimaha canshuurta ee Badeecadaha ee laga keeno Dalka Shiinaha.

Isbuucyadii tagay waxaa ay u muuqatay in xiisadda kusaleysan canshuuraha ee u dhaxeeya labadani dal ay circa isku shareertay hasayeeshee ilaa haatan lama sheegin isbedel Dhanka xiriirkooga ganacsi ee labadan dal.

Facebook Comments