Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guda jirta howsha la xarriiirta geerida abdirahmaan Cumar Cisman (Yariisow)  iyo xilliga Magalada Muqdisho la keeni lahaa meydkiisa kadib markii u u geeriyooday dhaawacyo ka soo gaaray qarixii ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir u geeriyooday.

Eng Yariisow oo ahaa barasaabka gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdihso ayaa loo qaaday dalka Qatar,halkaas oo Isbitaal ku yaalla lagu dabiibayay, hayeeshee shalay Gelinkii dambe uu geeriyooday,waxaana Xukuumadda Soomaaliya ay u Magacaawday guddi si Aas Qaran loogu sameeyo.

Guddiga qabanqaabada aaska marxuumka ayaa sheegay in ay diyaarad qaas ah u diri doonan dalka Qatar si ay meydka u soo qaado.

Sabtida oo ku beegan Maalinta berito ayaa aas Qaran loogu sameeyn doonaa Magaalada Muqdisho sidoo kale Madaxweyne Farmaajo uu ku dhawaaqay saddex Maalin oo baroor diiqa ah.

Telefishinka Qaranka ayaa waxaa gabi ahaanba la hakiyay barnaamijyadi caadiga ahaa ee ka bixi jirey waxaana lagu badalay aayadaha quraanka kariimka ah taasi oo muujineysa baroor diiqa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here