Cabdi Casiis Duurow oo ah guddoomiyaha Degmada Buula burde ee Gobalka Hiiraan oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay in odayaal dhaqameed kulan ay la qaateen kooxaha  Al-Shabaab  xabsi ay ku muteysteen.

Inta la xaqiijiyay ilaa iyo shan odey ayaa xabsiga la dhigay kadib kulamo ay la yeesheen kooxaha nabad-diidka ee Al-Shabaab.

Duurow ayaa shaaca ka qaaday  in sharciga lala tiigsan doono islamarkaana waxaa uu sheegay in odayaal kale hada ay baadi goobayaan kuwaasi oo ku sugan bartamaha degmada Buula burde ee Gobalka Hiiraan.

Dhanka kale, guddoomiyaha ayaa waxaa  uu digniin culus u diray odayaasha xiligan doonaya in ay kulan la qaataan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa 15ki july soo saaray amar ay ku fareysaan Odayaal Dhaqameedyadda ka qaybgalay doorashadii 2017-kii in ay si degdeg ah ku yimaadaan degaanada ay maamulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here