Mohammad Javad Zarif oo ah wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Iran ayaa waxaa uu cunaqabateyn kala kulmay Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka.

Cunaqabateynka lagu soo rogay wasiirka ayaa saameyn ku yeelan doona maadama ay dhici karto in xayiraad la saaro gabi ahaanba hantida uu ku leeyahay dalka Mareykanka.

Wasiirka maaliyadda ee Mareykanka, Steven Mnuchin ayaa sheegay in Wasiirka arrimaha dibadda ku sheegay in uu meel mariyo sayaasadaha khatar leh ee hoggaamiyaha ruuxiga ee Iran Aayatulah Khamanei.

Mr Zarif ayaa dhankiisa waxaa boggiisa Tweetarka uu ku qoray inuu Mareykanka uu cunaqabateyn u saaray isaga oo sheegay in ay u arkaan mid ay siyaasaddiisu halis ku tahay.

Xiisadda ka dhex aloosan Iran iyo Mareykanka ayaa marba mark aka dambeysa sare u sii kaceysay wixii ka dambeeyey marki uu sanadki hore Mareykanka uu ka baxay heshiiski niyukilarka ee 2015-ka la galay ee lagu xakameeynayey barnaamijyada niyukilarka Iran.

Xiisadda isa sii tareyso iyo dhacdooyinka iska soo daba dhacaya ee gacanka ka taagan ayaa laga cabsi qabaa iney horseedaan dagaallo iney ka dhacaan marin biyoodka maraakiibta caalamka Muhiimka u ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here