Dowladda Shiinaha ayaa cambaareeysay banaanbaxyadii dhawaanahan ka socday Hong Kong kuwaasi oo looga soo hor jeeday qodob sharciyeed muran badan dhaliyay.

Wax ku dhow laba bilood oo xiriir ah ayaa gudaha Hong Kong waxaa ka soconayay dibad baxyo looga soo hor jeedo qodob baneynaya in Shiinaha gacanta loo galiyo shaqsiyaadka dambiyadda ka geystay Hong Kong.

Dadka banaanbaxyada dhigay ayaa waxaa jira qaar dhaawacyo halis ah soo gaaray kadib markii ay isku dhaceen booliska.

Qalaasaha ka aloosan Hong Kong ayaa marba marka ka damebysa sara u sii kacaysay axaddii laga soo gudbay xilligaas oo koox wajiyada soo duubatay ay weerar ku qaadeen xarun tareenada laga raaco.

Dhacdadan ayaa loo soo xiray ilaa iyo 12 ruux oo sagaal kamid ah la aaminsanyahay in ay xirriir dhow la leeyihiin weerarka.

Dowladda Shiinaha ayaa ayaa aaminsan in banaanbaxyada Hong Kong ay ku lug leeyihiin dowladdo shisheeye.

Facebook Comments