War-saxaafadeed ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa lagu faah faahiyey duqeymo cirka oo uu ay ciidamada Mareykanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Bari ee Puntland.

War-saxaafadeedkan Africom ayaa lagu xaqiijiyay in Ciidamada Mareykanka oo garabsanayadhiggooda Soomaaliya ay 27dii Bishaan duqeymo cirka ah ka fuliyeen aagga Buuraha Golis ayna la beegsadeen Xubno qeyb ka ah kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa sheegay inay ku dileen mid kamid ah XubnahaDaacish,islamarkaana ay baaritaan ku wadaan hadii dad rayid ah ay ku wax yeeloobeen duqeyntaas.

Waxaa uu sidokale uu Mareykanka sheegay in ay sii wadi doonan weerraka ka dhanka ah kooxaha nabad diidka islamarkaana ay xaqiijin doonaan xasiloonida deegaanada ay ku suganyihiin iyaga oo leynaya kana saaraya gabi ahaantooda.

Wararkan ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan ay dowladda Somaaliya sheegtay in weeraro uu Mareykanka qaaday lagu laayay xubno kamid ah Al-shabaab.

Ciidamada AFRICOM ee qaaradda Africa ayaa dhawaa loo soo magacaabay taliye cusub kaasi oo soo gaari doona magaalada Muqdisho isbuucyada inagu soo aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here