Xubno katirsan golaha baarlamaanka ee dalka islamarkaana qeyb ka ah guddiga  waxbarashada ayaa dowladda u soo jeedisay inay sare u qaaddo qoondada dugsiyada hoose dhexe ee dalka.
Julius Melly oo ah guddoomiyaha guddiga tacliinta ee baarlamaanka ahna xildhibaanka deegaanka Tinderet ayaa sheegay in dugsiyada hoose dhexe ay u muuqdaan in la ilaabay marka loo eego baahida taala iyo qoondada dhaqaala ahaan loo siiyo.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 1400 oo shilinka dalka ah oo sannad waliba ay dowladda ugu talagashay arday kasta oo wax ka barta dugsi hoose dhexe ay ku filnayn maareynta wax kasta oo la xarriira tacliinta.

Julius Melly ayaa sidokale baaq u direy wasaaradda waxbarashada kaasi oo ku  aadan in ay dadajiso howlaha qeybinta buugaagta ardayda wax ka bartaan.

Dhawaan ayay aheyd markii wasiirka wasaaradda waxbarashadaProf. George Magoha uu ku baaqay in guddiga baaralamaaniga ee waxbarashada dadaal dheer galiyaan sidii lagu kordhin lahaa misaaniyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here