Kadib xarigii uu amray agaasimaha dacwad ogista dalka, Nurdin Xaji, kaaso lagu soo xirayay xubnaha sarsare oo katirsan dowladda ayaa waxaa haatan isasoo taraya kala duwanaanshiyaha la xarriira aragtiyada ay bulshada ka qabaan arrinkan.

Saraakiil sarsare oo uu ugu horreeyo wasiirka maaliyadda ee dalka, Henry Rotich ayaa maalinkii shaley agu amray in la soo qabto inkastoo markii dambe uu iska xaadiriyay xarunta dhexe ee dambi baarista isaga oo iska diiday dacwadda la xarriirta mashruuc biyo xireen oo ay ku kacday 60 bilyan oo shilinka dalka ah oo la musuqay.

Dhanka kale, qaar kamid ah hoggaamiyasha oo u kamid yahay xildhibaanka koonfurta Suba Mr. Jhon Mbadi ayaa waxaa ay ku baaqayaan in ku xigeenka dalka iyo hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka senetka, Kipchumba Murkomen ay iska casilaan xilka ay hayaan.

Baaqa ayaa ku soo beegmayaa xilli xubnaha sarsare ee dowladda lala xirriirinayo lunsashada lacago balaayiin shilin ah oo lo qorsheeyay in lagu dhiso biyo xireenada Kimwarer iyo Aror.

Mr Mbadi oo sidokale ah gudoomiyaha heer qaran ee xisbiga ODM ayaa waxaa uu ku eedeeyay arrinkan Ruto iyo Murkomen isaga oo sheegay in la doonayo in ay Kenaynka cafis weydiistaan maadaama ay marin habaabiyeen sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka deegaanka Cherengany Mr Joshua Kutuny ayaa dhankisa ugu baaqay Ruto iyo Murkomen in ay joojiyaan waxa uu ku sheegay difaacidda musuqmaasuqa.

Waxaa uu intaas ku daray in loo baahanyahay baritaanada haatan socda ay sidokale banaanka u soo saaraan shaqsiyaadka ka dambeeyay fadeexadda la xarriirta galeyda.

Issac Mwaura oo si magacaabis ku soo galay aqalka senetka ayaa qaba in ay sax tahay islamarkaana uu bogaadiyay xariga wasiirka maaliyadda.

Senetarka Makueni, Mutula Kalonzo ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xariga wasiirka madaama ay daha ka rogeyso musuqa la xarriira lacagaha.

Dhanka kale, Khudbaddii ugu dambaysay ee uu madaxweyne Uhuru kula hadlo qaranka ayaa waxaa kamid ahaa in sarkaal kasta oo kamid ah dowladda islamarkaana lagu helo musuqmaasuq laga doonayo in uu dhinac u istaago.

Haddi uu ka dhabeeyo M/w qodobkan, waxaa la aamisanyahay in ay qasbeyso in wasiirka maaliyadda iyo xoghayahiisa guud ay qalabka dhigi doonaan islamarkaana u banaan bixi doonaan wajihidda dacwadaha loo heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here