491805594

Dowladda hoose ee ismaamulka Nakuru ayaa isniinti waxaa ay gaarsiisay dhamaan isbitaalada iyo xarumaha caafimaad ee deegaanadeeda dawoyiin kala duwan oo ay ku kacday 100 milyan oo shilinka dalka ah waxaana talaabadan looga gol leeyahay sidii sare adeegyada caafimaad oo ah helaan dad gaaraya 2.3 milyan oo ruux.

Dawooyiinkan ayaa loo kala qaadi doonaa 12 isbitaal oo heer deegaan ah.

Mar uu xariga ka jaray mashruucan ayuu sheegay gudoomiyaha ismaamulka Nakuru, Eric Korir, in xubnaha ugu sarreeya dowladdiisa ay si dhow ula shaqeyn doonto wasaaradda caafimaadka si loo helo adeeg caafimaad oo heer sare madaama tirada dadka ay sare u sii kaceyso.

Waxaa uu sidokale sheegay in dowladdisa ay si dhow ula shaqeyn doonto KEMSA si loo wanaajiyo islamaraana loo xoojiyo xirrirka labada dhinac.