Gudigga adeega garsorka ayaa isniinti shaley aheyd waxaa uu soo jeediyay in la magacaabo 10 garsoore oo uu kamid yahay qareen Imana Laibuta kuwaasi oo katirsan maxkammadda sare.

Garsorayaashan oo lagu kala magacaabo Francis Tuiyott, Hellen Omondi, Pauline Nyamweya, Weldon Korir, Msagha Mbogholi, Aggrey Muchelule, Jessie Lesiit, Mumbi Ngugi, George Odunga iyo Joel Ngugi.

Guddiga ayaa u gudbin doona Madaxweynaha garsoorayaasha uu soo xulay si uu toos ugu magacaabo howsha la doonayo in ay qabtaan.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo dhawaan uu madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga uu mar uu qabtay shir saxaafadeed uu shaaca ka qaaday 11ka garsoore ee la soo xulay balse waxaa arinkan ka soo horjeestay mid kamid ah xubnaha guddiga sharciyada ee dalka Mr Macharia Njeru, Isaga oo sheegay in kaliya la filaye laba qareen waxaana uu markiiba ka diyariyay dacwad adag.

Labo garsoore sarsare oo katirsan maxkammadda ugu sarreysa ee dalka ayaa la filayaa in ay dhawaan iskaga fadhiisan doonan howshan.

garsoorayaashan ayaa kala ah Erastus Githinji and Alnashir Visram

Maxkammadaha racfaanka ee dalka ayaa waxaa ay ku kala yaalaan ismaamulada Nairobi oo ah halka ay intooda badan garsoorayaasha fadhigoodu yahay, ismaamulka Kisumu, Malindi iyo ismaamulka Nyeri iyada oo halkii maxkammad’ba ay ka howl galaan 3 garsoore.