Diwaanno muhiim ah iyo qalab qaali ah oo gaaraya ilaa iyo malaayiin lacag ah ayaa burburay kadib markii uu dab qabsaday waaxda maarenyta dhaqaalaha.

Dabkan oo la ogeyn waxa sababay ayaa waxaa uu ka kacay xafiiskan abaaro 2 habeenimo waxaana uu dhulka la simay xafiisyadii waaxda dhaqaalaha oo ay yaaleen macluumaad la xarriira qoondada iyo qorshaha dhaqaale ee dowladda hoose ee Kitui.

Xafiisyadan ayaa waxaa ku jirey qalabka shaqada sida Computarada, Miisaska iyo Kuraasta qaaliga ah balse haatan waxaa ka soo haray un dambas sida lagu soo waramayo.

Sida lagu sheegay bayaan uu soo saaray gudoomiye ku xigeenka ismaamulka Kitui, Wathe Nzau laftiisa ayay uga gubteen waraaqo muhiim ah.

Sikastaba ha noqotee, sarakiisha ugu sarreysa ismaamulka iyo ciidanka bileyska ayaa ka soo sari doona warbixin buuxda oo ku aadan waxa sababay iyo waliba khasaaraha ka dhashay.

Mr Nzau ayaa intas ku daray in bileyska uu faray in ay soo gudbiyaan waxa ka soo baxa baaritaanada dhanka kalena waxaa uu u mahadceliyay shaqaalaha ismaamulka iyo sida ay uga falceliyeen asaga oo ku booriyay in ay xasilloonida ku dadaalaan.