A Guangzhou-Shenzhen-Hong Kong Express Rail Link ‘Vibrant Express’ train is seen at Shek Kong Stabling Sidings in Hong Kong on August 16, 2018. – The high-speed connection out of the harbourfront West Kowloon station will link Hong Kong to the southern Chinese city of Guangzhou 80 miles (130 km) away and then onto China’s national rail network. (Photo by Philip FONG / AFP) (Photo credit should read PHILIP FONG/AFP/Getty Images)

Tiro tobanaan rag ka kooban islamarkaana ku hubeysan garrumo ayaa weerar ku qaaday xarunta tareenadda laga raaco ee Magaaladda Hong-Kong.

Muuqaal lasoo geliyay warbaahinta Bulshadda ayaa laga arkay rag ku labisan funaanado isku mid ah oo si fowdo ah u weeraray dadkii ku sugnaa xarunta Tareenka iyo qaybaha tareenka dhexdiisa.

45 qof ayaa ku dhaawacmay, mid ka mid ahna xaalkiisu waa halis sida ay sheegeen masuuliyiinta caafimaadka.

Weerarka ay qaadeen Dadka kooxda ah ayaa waxaa uu daba socdaa mudaharaadyaddii u dambeeyay ee ka dhacay Hong Kong halkaas oo ay Ciidanka Booliisku gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaasba u adeegsadeen si ay u kala eryaan.

Weli ma cadda cidda ay ahaayeen kooxda weera ku qaaday rakaabkii tareenadda iyo dad doonayay in ay ka laabtaan muharaadyadii ay ka qayb galeen.

Maamulka Hong Kong ayaa sheegay in aan la aqbali karin isla markaana ay tahay wax ka baxsan sharciga weerka ay Xarunta tareenadda ku qaadeen rag wajigu u duuban yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here