DJIBOUTI (Nov. 29, 2009) – Soldiers of the Uganda Peoples Defence Forces stand in formation as the multi-national, Eastern African Standby Force Field Training Exercise begins Nov. 29, 2009 with an opening ceremony in Djibouti. This ceremony is part of a United Nations-supported exercise for the countries representing the Eastern Africa Brigade Coordination Mechanism, and includes four days of training and a final day for a closing ceremony. Ten East African nations participated in the multi-dimensional EASF FTX, which is designed to test their initial operating capabilities. (U.S. Air Force photo by Master Sgt. Carlotta Holley/released)

Dowlada dalka Uganda ayaa wax ku dhow 2,000 oo askari u diraysa dalka Soomaaliya kuwaas oo tababar loogu soo gabagabeeyay gudaha dalka Uganda islamarkaana qeyb ka noqon doona ciidamada midowga africa ee Amisom.

1,828 oo askar ah  ayaa tababrkan loo soo gabagabeeyay waxaana ay qeyb ka noqon doonaan qorshaha midowga Africa uu ku sugayo amniga dalka Somaaliya.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, General Wilson Mabadi, oo lahadladay ciidamadan kadib markii loosoo gabagabeeyay tababarka ayaa kula dar daarmay in si hufan ay ugutaan waajibaadkooda shaqo.

“Waxaad ka tageesaan Uganda si aad u aadaan ugana biirtaan ciidamada xasilanaya Soomaaliya iyo guud ahaan qaaradda” ayuu hadalkisa sii raaciyay General Mabadi.

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka ee dalka Uganda ayaa sidoo kale dhankiisa kula dar daarmay in ay ciidamada tababarka loosoo gaba gabeeyay ay u shaqeeyaan si ay ku jirto Wadaniyad iyo Akhlaal.

Tababarka saraakiishan ayaa waxaa ka qayb qaatay saraakiil Militari oo ukala dhalatay wadamada Holland, Britain iyo Mareykanka.

Hawlgalka ciidamada Amisom ayaa lagu waday in guud ahaan dalka ay iskaga baxaan markii lagaaro horaanta sanadka 2021 iyadoona sidoo kale qorshuhu ahaa inta ka horeyso waqtigaasi in ciidamada nabad ilaalinta midowga ee Amisom loo dhimo si tartiib tartiib ah.

Facebook Comments